Somalia oo taageero u muujisay Maamulka SSC Khaatumo

MUQDISHO-(Berberanews)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen magaalada Muqdishu hoggaamiyaha maamulka ku meel gaadhka ah ee SSC-Khaatumo Cabduqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye)

Fiqi ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay martiqaadday hoggaamiyaha SSC-Khaatumo wadatashi dheer kadibna ay aqoonsan tahay bayaanka Isimmada SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo ee sanadkan, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

“Xukumadda Federalka Soomaliya FS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.

“DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yidhi wasiir Fiqi.