Djibouti oo cambaaraysay gumaadka Falastiin loo geystay

Dawladda Djibouti ayaa Cambaaraysay Duqayntii dad shacabka ee Falastiin lagu Gumaaday ee xalay ka dhacday Cisbitaalka Al-ahli Carab ee Magaalada Qaza.

” In dad shacab ah si foolxun loo laayo, Lama Aqbali karo, mana waafaqsana xuquuqda Aadamaha” Ayaa lagu sheegay Bayaanka kasoo Baxay Dawladda Djibouti