Agaasime Tv oo ku geeriyooday Qarax Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-(Berberanews)-Qarax ismiidaamin ah oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayada Blue Sky oo ku dhow hotel Xaawo Taako ee degmada Boondheere.

Qof isisoo miidaamiyay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen dad isugu jiray shacab, askar iyo shaqaale dowladeed.

Illaa iyo hadda dadka la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxan, waxaa kamid ah, agaasimihii telefishinka Somali Cable xafiiskiisa magaalada Muqdisho, Cabdifitaax Nuur Macalin Qeys.

Weli lama xaqiijin inta uu le’eg tahay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay qaraxan.

Dad goob joogayaal ah waxay HOL u xaqiijiyeen in qofka ismiidaamiyaha ah uu qadar daqiiqado ku dul wareegayay agagaarka maqaayada Blue Skay.

Markii dambe waxay sheegeen inuu dhex fariistay dad uu weriyaha geeriyooday kamid ahaa, kuwaas oo ku caweynayay kuraas taalay bannaanka maqaayada.

Shaki ay ka muujiyeen askar ku sugnayd bar kantarool oo kutaala goobta, ayaa sababtay inuu isqarxiyo ismiidaamiyaha, kaddib markii askari katirsan ciidanka uu ku amray inuu soo kaco.  

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii baar Bulsho oo kuyaala isgoyska Sayidka uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ay dad badani ku geeriyoodeen, kaddib markii naftii hallige ah uu isku qarxiyay.

@Hiiraan