Qoysaska maxaabiista Xamaas haysato oo mudaharaad ku dhigay Israa’iil

Israel-(Berberanews)-Boqollaal qoys oo ka mid ah dadka rayidka ah ee Israa’iil oo ay maxbuus ahaan u qabsadeen dagaalyahannada Xamaas weerarki todobaadkii hore ayaa mudaaharaad ka dhigay Tel Aviv iyagoo ugu baaqay dowladda inay soo badbaadiso qaraabadooda.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu xilka isaga dago sababo la xidhiidha guul-darradii ciidanku ka gaadheen weerarka Xamaas.

Israa’iiliyiintu waxay ka qaybgaleen bannaanbax, iyagoo ku baaqaya in dib loo soo celiyo dadkii ay jeclaayeen ee afduub ahaan loogu haystay ka dib markii ay gudaha u galeen rag hubaysan oo Xamaas ah oo ka yimid Marinka Gaza.