Xisbullah ma ku biiri doonaan dagaalka Israel iyo Xamaas?

Jawaabtu waxay si fiican u go’aamin kartaa jihada dagaalku ku xidhan yahay in dib loo qaabeeyo Bariga Dhexe. Xisbullah, oo sida Xamaas oo kale, ayna Iran taageerto, ayaa ilaa hadda  ku jirta xayndaab inay ku biirto dagaalka.

In kasta oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa milatariga ee Israa’iil ay miisaamayaan tallaabada xigta, waxay si cabsi leh u daawanayaan Xisbullah oo ku sugan xudduudda waqooyi ee Israa’iil waxayna u direen ciidamo xoojin ah aagga.

Hezbollah – oo haysta tobanaan kun oo gantaallo ah, awoodn u leh inay ku garaacaan meel kasta oo Israa’iil ka mid ah – waxa loo arkaa cadow aad uga cabsi badan Xamaas.

Suurtagalnimada in dagaal cusub uu ka furmo Lubnaan waxa ay dib u soo celinaysaa xasuus qadhaadh oo ku saabsan dagaal ba’an oo socday muddo bil ah oo u dhexeeyay Xisbullah iyo Israa’iil sannadkii 2006-dii, kaas oo ku dhammaaday xaalad cakiran.