Trump oo nabadgelyada Israel iyo adduunkaba ballanqaday hadii la doorto

Ka dib markii uu la kulmay dhaleecayn isa soo taraya oo uu ku sheegay inuu ku tilmaamay Xisbullah “mid aad u caqli badan” oo uu iftiimiyay waxa uu ku sifeeyay fashilka sirdoonka Israa’iil, madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray bayaan uu ku muujinayo taariikhdiisa taageerada Israa’iil.

“Ma jirin saaxiib uga wanaagsan Israa’iil ama xulafadeeda oo aan ka ahayn madaxweyne Donald J Trump,” ayuu yidhi madaxweynihii hore.

“Xilligii Hoggaamintauda, Maraykanku wuxuu si buuxda u garab istaagay Israa’iil, natiijaduna waxay ahayd, Israa’iil waxay ahayd ammaan, Ameerika waxay ahayd ammaan, markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, waxaan samaynay tallaabooyin taariikhi ah oo nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yidhi. , isaga oo tixraacaya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo dhawr dawladood oo Carbeed oo maamulkiisu dhexdhexaadin ka ahaa.

Trump, oo mar kale doonaya madaxtinimada 2024, ayaa sheegay in haddii uu ku laabto Aqalka Cad, “Israa’iil iyo cid kastaa way nabad geli doonaan mar kal “.