Guutada Al-Qassam oo sheegtay inay ku filanyihiin dagaalka Dhulka

Palsetine–(Berberanews)-Garabka militari ee Xamaas, guutada al-Qassam, ayaa sheegtay inay awood u leeyihiin inay ka hortagaan duullaan dhulka ah oo Israel ay kusoo qaado Gaza.

“Waxaan dib u xaqiijineynaa diyaargarowgeena – annagoo kaashanayna Ilaahay – dhinaca difaaca. Soo jeedinta cadawga ee ah in la balaadhiyo gardarrada dhulka ayaa nagu riixi doonta in aan dhaqaajino doorashooyin cusub oo keeni doona khasaare baaxad leh oo cadowga soo gaadha, “Afhayeenka Abu Cubeyda ayaa farriin muuqaal ah ku sheegay.

Waxa uu intaa ku daray in kaabayaasha milatari ee Xamaas ay awood u siinayaan “difaac wax ku ool ah” ee marinka Gaza oo aanay Israa’iil horay u arag.

Israa’iil ayaa ciidamo iyo saanad milatari ku urursanaysa meel ka baxsan dhulka falastiiniyiinta, balse ilaa hadda Israa’iil waxa ay si hagar la’aan ah u duqaysa Gaza oo kaliya.