Israel oo qiratay jabka ka soo gaadhay weerarka Xammaas

Tel Aviv, (Berberanews)-Xafiiska warfaafinta ee dowladda Israel ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 100 Israa’iiliyiin ah ay hadda ku xidhan yihiin Qaza, sidoo kale warbixin kooban oo ay soo saartay dawladda Israel, ayaa shaacisay tirada Askarta laga dilay iyo dadka rayidka ah, wallow aannay kala xaqiijin.

Warbixinta Xukuumadda, ayaa sheegtay in laga afduubay 100, halka  la dhaawacay tiro gaadhaysa 2,000, ilsa markaana tirada la dilay lagu xusay warbixinta in ay gaadhay 600, balse laguma sheegin tirooyinka innay dhammaantood yihiin Askarta Yuhuuda iyo innay ku jiraan dad shacab ah. laakiin waxa sidoo kale la shaaciyay magacyada iyo sawirada 77 Isugu jira Millateriga iyo Booliska Israel oo la dilay, kuwaas 44 yihiin Ciidamada Millateriga, halka 34 ay yihiin Boolis.

Sidaa awgeed Ilaa hadda Israel way diiday inay xaqiijiso tirada dadka rayidka ah ama askarta la haysto, iyadoo Warbaahinta Israel qaarkood sheegayaan in ugu yaraan 170 laga yaabo in lagu haysto Gaza.

Dhinaca kale, waxa jira jawaabo ay dawladda Israel ka bixisay weerarka shalay ee loo bixiyay “Diifaanka Al-Aqza”, iyadoo magaalooyinka qaar ay weli gacanta ku hayaan Xamaas iyo Jihaadiyiinta.

Duqa magaalada Sderot, Alon Davidi ayaa u sheegay dadka deegaanka innay guryahooda ku ekaadaan oo ay albaabbada xidhaan oo aannay furin ilaa amar kale laga bixiyo, iyadoo ciidamada ammaanka Israel ay ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen una soo qaban lahaayeen tiro aan la garanayn oo falastiiniyiin ah oo kasoo duulay Qaza, kuwaas oo soo galay inta baddan Magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Davidi waxa uu dhalleeceeyay, wuxuu ugu yeedhay “xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan meel walba,” isagoo ku baaqay in hoggaanka Israel uu dharbaaxo weyn ku sameeyo Xamaas.

“Waxaan u baahanahay inaan la wareegno Gaza oo aan dilno, waxay u baahan yihiin in la tirtiro,” ayuu ydhi, isagoo la hadlay Channel 12.

Dhinaca kale, weli waxa socda gantaalaha ku jihaysan Isarel, iyadoo digniinta gantaalaha soo gelaya laga maqlayo Kibbutz Be’eri oo ah Koonfurta Israel, halkaas oo ciidamada ammaanka Israa’iil iyo kooxaha falastiiniyiinta ee gudaha u galay Kibbutz ee Qaza uu ku dhexmaray dagaal rasaas ah.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Cibraaniga weli waxay ciidamada Israel ku howlan yihiin sidii ay uga sifayn lahaayeen Xamaas oo oo ku jirta goobahaa, waxaana la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan ciidamada Israel iyo guutooyinka Xamaas.