Israa’iiliyiinta waxay dareemayaan bahdilaad’:

saxafiga Haaretz Gideon Levy, oo ah saxafi ka tirsan wargeyska maalinlaha ah ee Israel Haaretz, ayaa u sheegay Al Jazeera in Israa’iiliyiintu ay dareemayaan bahdilaad ka soo gaadhay weerarka Xamaas oo aanay weli rumaysan wixii dhacay ama sida loo qabtay ciidankooda si lama filaan ah.
“Marka hore, waxaa jira jaahilnimadan soo jireenka ah ee Israa’iil oo ah in aan haysanno ciidanka ugu xoogga badan iyo tignoolajiyada ugu xoogga badan. Marka labaad, dawladu waxay ciidankeeda ku balaadhisay Daanta Galbeed, waxayna ka tagtay jiidda koonfureed oo cidlo ah. Markaa isla wayni iyo kala mudnaantii oo is biirsaday ayaa na soo gaadhsiiyay xaaladdan aan hore loo arag,” ayuu yidhi.

“Waxay qaadan doontaa sanado in reer binu Israa’iil ay rumaustaan naxdintan iyo dhaawacan. Laakiin waa in ay horseedaa isbeddel, halkaas oo Israa’iiliyiintu ay garwaaqsadaan sida ay ilaa hadda u dareemayaan Falastiiniyiinta ku nool dhulka la haysto iyo Gaza. Waa in aan ogaano in iyaga [Falastiiniyiinta] ay sidoo kale yihiin bini’aadam iyo in ay sidoo kale muujin karaan awood ciidan,” Levy ayaa ku daray.

Digest