Askari ka tirsan Masar oo toogtay 2 qof oo Israel u dhashay

ALEXANDRIA — (Berberanews)-Askari booliis ah ayaa rasaas ku furay laba dalxiisayaal Israa’iili ah Axaddii magaalada Alexandria ee dalka Masar, waxaana ku dhintay laba qof oo Israa’iiliyiin ah iyo mid Masaari ah.

Qof afraad ayaa ku dhaawacmay shilkaasi. Askariga la sheegay inuu weerarka geystay ayaa la xiray.

Sida laga soo xigtay ilo ammaanka Masar oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, nin booliis ah ayaa sheegay in uu carooday oo uu si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay kooxda dalxiiska, kadib markii ay ka cadheysiiyeen.

Dilkan ayaa yimid iyadoo weerar lama filaan ah ay Israa’iil ku qaadeen kooxda Xamaas.

Masar iyo Israa’iil ayaa heshiis nabadeed kala saxeexday sannadkii 1979-kii, balse nacaybka Israa’iil ayaa kusoo badanaya Masar, gaar ahaan xilliyada rabshadaha Israa’iil iyo Falastiin.