Xamaas oo Israel ku qaadday dagaal cirka dhulka iyo badda ah

Israel-(Berberanews)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo gameen Gaza.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil.

Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sii kordhayay tan iyo horraantii sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ku dhintay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ay gaartay heer aan muddo sanada ah la arag.

“Waxa aan go’aansannay inaan soo afjarno dhammaan danbiyada uu gaystay gumeysigu (Israa’iil). Waqtigoodii ay weerrarada gaysan jireen iyadoo aan lala xisaabtamin waa uu dhammaaday,” ayaa lagu yidhi war ay baahiyeen Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee ururka Xamas ee ka taliya marinka Gaza.

Kooxda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ay ugu magac dareen ‘Daadka Al-Aqsa’ ay adeegsadeen wax ka badan 5 kun oo gantaal oo ay ku weerareen Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay mintidiin Falastiiniyiin ah kula dagaalamaayn dhowr ah aag oo ku dhow Marinka. Waxa ay dhankooda howlgalka ugu magac dareen ‘Seefaha Birta ah’.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof lagu dilay gudaha Israa’iil.

Xamas ayaa mar danbe baahisay muuqaal muujinaya dagaallamayaasheeda oo saddex nin qabanaya.

Ka soo gudbista kooxaha hubeysan ee ka imanaya Gaza, oo ah magaalo sabool ah oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, ayaa ahayd mid adag tan iyo markii Xamas ay la wareegtay maamulka magaalada 2007-dii, taasi oo keentay in Israa’iil ay go’doomiso. Israa’iil ayaa Gaza go’doomisay iyadoo ciidan xooganna halkaasi dhigtay.

Gantaallada laga soo tuuray Gaza oo uu afhayeenka ciidamada Israa’iil ku sheegay ugu yaraan 2,200 ayaa baabuur ku gubay magaalada Ashkelon ee Israa’iil, oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhinaca waqooyi ka xigta Gaza.

@VOA