Weerar qarax oo lala beegsaday Magalada Ankara

Labo nin oo hubeysan ayaa  weerar bambaano ku qaaday afaafka hore ee laga galo xarunta nabad sugidda ee wasaaradda arrimaha gudaha ee caasimadda Ankara, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.

Wasiir Cali Yerlikiya ayaa yidhi “Laba nin oo argagixiso ah ayaa weerar ku soo qaaday afaafka hore ee dhismaha wasaaradda, mid ka mid ah waa la toogtay, halka kan kalana uu is qarxiyay”.

Weerarkan ayaa ahaa mid ay markii dambe Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaantay weerar Argagixiso oo sababay dhaawac fudud oo soo gaadhay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska.

Ma jiro wax war ah oo sheegaya in ilaa iyo haatan ay qaraxaasi ku waxyeelloobeen dad rayid ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa warsaxaafadeedkeeda ku dartay: “Labo shaqsi oo argagixiso ah ayaa gaadhi ku soo gaadhay ka soo horjeedka albaabka hore ee Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, abaare 9:30 subaxnimo waxayna fuliyeen weerar bambaano.”