Madaxweynaha Uganda oo ku dhawaaqay dhexdhexaadinta Somaliland iyo Somalia

Uganda-(Berberanews)-Uganda ayaa Sabtidii sheegtay inay dhexdhexaadin doonto Soomaaliya iyo Somaliland si loo fududeeyo inay dib u midoobaan ka dib markii ay kala qaybsameen in ka badan 30 sano

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa aqbalay inuu xilkaas qabto ka dib booqasho Jimcihii uu ku tagay ergayga gaarka ah ee Somaliland, Jaamac Muuse Jaamac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

“Madaxweyne Musevenj waxa uu aqbalay in uu noqdo fududeeyaha midaynta Somaliland iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi.

“Ma taageerayno gooni-isu-taagga, sababtoo ah xeelad ahaan, waa khalad,” ayuu Museveni ku yidhi warsaxaafadeedka.

Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi caalami ah oo ku saabsan madaxbannaanida, iyadoo Somaliland in ka badan 30 sano ay ku naaloonayso nabadgelyo iyo dimuqraadiyad, halka Somalia ay la daalaadhacayso dagaallo.