Beledweyne: in ka badan 20 qof oo ku dhintay qarax

Beledweyne-(Berberanews)-Ilaa labaatan qof oo badankood shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax gaadhi xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo kala duwan ayaa  sheegay in gaadhiga oo laga shakiyay ay ciidamada amnigu ku hakiyeen barta-kontralka Horseed oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako.

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah qoys degganaa meel u dhow barta Kontroolka. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalmo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga.

Haddaba, Guddomiyaha Degmada Belewene Cumar Cusmaan Calasoow ayaa qaraxan uga waramay wariyaha VOAda Cumar Cabdicasiis Barrow.

Dhegayso