USA-(Berberanews)-Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagaha dul saaran madaxa Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil Dhagacade oo kooxda Al-shabaab u qaabilsan farsamada qaraxyada, islamarkaana ah madaxa qeybta Warfaafinta Al-kataa’ib.
Mareykanka oo ninkaan mudo aad u dheer raadinayo ayaa ka dhigay lacagaha madaxiisa saaran Cabdullaahi Cismaan Dhagacade 5 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Ninkaan ayaa la tilmaamay inuu sanadkii 2020-kii ka badbaaday weerar aan lagu guuleysan oo ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Amerikaan ah ay ku qaadeen deegaanka Gandarshe oo uu ku sugnaa xiligaas.
“Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaano Injineer Ismaaciil, waa khabiirka sare ee dhanka sameynta walxaha qarxa u qaabilsan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale la taliye u yahay hoggamiyaha al-Shabaab Axmed Diiriye, islamrkana waa hogaamiyaha waaxda warbaahinta u qabailsan al-Shabaab ee loo yaqaanno, al-Kataib” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee Cabdullaahi Cismaan Dhegacadde ayaa horay uga soo shaqeeyay qeybta Farsamada ee xafiiska Telefishinka Al-Jazeera ee xaruntiisa magaalada Muqdisho sanadihii 2005 illaa 2009-kii, waxuuna hada ka ka mid ah yahay ragga Mareykanka uu sida weyn u raadinayo.
Dowladda Mareykanka ay sidaan oo kale tiro dhowr jeer oo hore lacago Malaayiin doolar ah ay u duldhigtay qaar ka tirsan hoggaamiyaasha kooxda Al-shabaab