Madaxweynaha Taiwan oo Qaabishay Dr Edna Aadan oo mar kale ku guulaysatay Abaalmarin

Taipei (Berberanews)- Madaxweynaha Dalka Taiwan Tsai Ing-Wen ayaa Xafiiskeeda ku qaabishay Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah ku guulaystayaasha Abaal-marinta Caalamiga ah ee Fervent Global Love of Lives Awards oo uu bixiyo Ururka Chou Ta-Kuan Cultural and Education Foundation.

Abaal-marinta oo ah tii 26-aad ee la bixiyo, waxa sannadkii 1997-kii aasaasay waalidiintii dhalay iyo saaxiibadii gaarka ahaa ee Chou Ta-Kuan oo ahaa Abwaan u dhashay dalka Taiwan oo u geeriyooday Cudurka Kansarka.

Madaxweynaha Taiwan ayaa aqalka madaxtooyada kulan kula yeelatay Shaqsiyaad isaga kala yimi caalamka oo sannadkan ku guulaystay abaalmarintan, kuwaas oo loo xushay saamaynta ay ku yeesheen waxqabadyada dhinaca adeegyada caafimaadka ee bulshadooda.

War kooban oo kulankaas laga soo saaray ayaa lagu sheegay in daryeelka caafimaadku uu ka gudbay xudduudaha caalamiga ah isla markaana uu si wada jir ah u bedeli doono masiirka kuwa sida wanaagsan wax u wada.

Waxaa kale oo kulanka ka qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji.