Madaxweynaha Faransiiska oo ka dayriyay xaaladda Safiirkii Nigeria u joogay

Niger-(Berberanews)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcihii sheegay in ergayga Faransiiska ee Niger uu sidii la hayste oo kale ugu nool yahay safaaradda Faransiiska ee dalkaasi, waxaana uu ku eedeeyay taliska militariga ee talada qabsaday in ay xannibeen raashinkii safaaradda la geyn lahaa.

Macron ayaa magaalada Semur-en-Auxois ee Faransiiska wariyeyaasha ugu sheegay in safiirku uu ku nool yahay “cuntada ciidamada.”

“Hadda oo aan hadleyno, waxa aan leennahay safiir iyo shaqaale diblamaasiyadeed oo lagu haysto safaaradda Faransiiska” ayuu yidhi.

“Waxa ay u diideen in raashin loo geeyo” ayuu yishi isagoo sida muuqata ula jeeday hoggaanka cusub ee militariga Niger. “ waxa uu cunayaa raashinka ciidamada”.

Hogaamiyayaasha militariga Niger ayaa u sheegay safiirka Faransiiska Sylvain Itte in uu dalka isaga tago ka dib markii ay 26-kii July afgambiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Laakiin 48 saacadood oo kama dambays ah oo loo siiyay in uu dalka uga baxo taasi oo ay militarigu ku dhawaaqeen bishii August ayaa mar hore dhamaatay, isaga oo wali ku sugan Niger, xilli ay dowladda Faransiisku diiday in ay go’aankaasi u hoggaansanto, amaba ay aqqoonsato sharcinimada hoggaanka militariga ee talada qabsaday.

Afgenbiga ayaa waxaa cambaareeyay Faransiiska iyo inta badan dalalka deriska la ah Niger.

Macron ayaa sheegay in safiirku “uusan bixi karin, oo uu yahay qof aan dalka laga rabin (persona non grata), islamarkaana raashinkii loo diiday.”

Mar la weydiiyay in Faransiisku uu ka fiirsan doono in uu safiirka dib usoo celiyo ayuu Macron yiri: “Waxa aan sameyn doonaa wax kasta oo aan ku heshiinno madaxweyne Bazoum sababtoo ah waa mas’uulka sharciga ah, oo aan maalin walba la hadlo.”

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Catherine Colonna ayaa goor dambe sheegtay in safiirku “uu shaqeynayo” uuna sii shaqeyn doono inta uu Faransiisku doonayo.

“Aad baan uga faa’iideysan karnaa xiriirkiisa iyo kuwa kooxdiisa,” ayay Colonna u sheegtay telefishinka LCI, iyadoo intaa ku dartay in danjiraha uu haysto koox yar oo la shaqeyneysa.

Faransiiska ayaa waxaa Niger u jooga ilaa 1,500 oo askari, waxaana uu sheegay horraantii bishan in ka bixinta ciidamadaasi ee Niger ay kala xaajoon karaan Bazoum oo kali ah.

Hoggaanka militariga ee talada haya ayaa meesha ka saaray heshiiskii iskaashiga ciidamada ee Niger kala dhexeeyay Faransiiska, waxayna weydiisteen ciidamada Faransiisku in ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalkaasi.

Macron ayaa muddo toddobaadyo diidayay dalabka la xiriira in uu Niger ka baxo safiirka Faransiiska, tallaabadaasi oo uu taagero kaga helay Midowga Yurub oo amarka militariga ku tilmaamay “daandaansi.”

Midowga Yurub ayaan isna “aqqoonsaneyn” mas’uuliyiinta la wareegay awoodda Niger, sida ay bishii hore sheegtay afhayeenka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Nabila Massrali.

AFP