Dabka Suuqa Wajaale oo digo danbays ka dhigay ganacsigii

Waxa hadda lagu guulaystay in la damiyo dabkii ka kacay suuqa Wajaale.

Burburka meheradihii uu dabku baabiiyay ayaa walhi sii huraya, balse ma jiro ololkii xooganaa ee faafayay.

Ciidanka ayaa wali ka shaqaynaya bakhtiinta dabka hoosta hadhaaga ka sii shidan.

Dabkan oo socday in ka badan afar saacadood ayaan wali si rasmi ah loo sheegi karin inta ganacsi ee uu baabiiyay iyo dhaqaalaha ku lumay.

Suuqa intiisii badnayd dabku ma gaadhin, balse meheradaha shufbeelay ayaa ah ganacsiyadii ugu waawaynaa ee gadi jiray alaabaha qaaliga ah.
Dabkan ayaa ku baahay inta u dhaxaysa togga xiga dhanka xadka illaa halkii laga raray bacadlihii hore.