Khaatumo oo Maxaabiis Somaliland ah ku wareejisay Hay’adda Bisha Cas

Laascaanood-(Berberanews)-Kooxaha SSC, ayaa hay’adda Bisha Cas ku wareejisay laba maxbuus oo ka tirsanaa ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu qabtay weerarkii 25kii Bishii hore ka dhacay Laascaanood.

Sida uu xaqiijiyay Samer Jarjouhi, oo ah madaxa Xafiiska ICRC Soomaaliya, waxay ICRC la wareegtay 2 maxbuus oo dhaawacyo culus qabay oo ka mid ahaa maxaabiistii SSC Khaatumo ku qabatay dagaalkii 25 August 2023.

ICRC ayaa sheegtay in labada maxbuus oo lagu siidaayey sabab bani’aadannimo loo qaaday Hargeysa si loogu daweeyo halkaasi. 

Diyaarad uu la socday madaxa ICRC Samer Jarjouhi oo ka duushay Garowe ayaana loogu qaaday dhanka Hargeysa.

War saxaafadeed shalay kasoo maamulka SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in labada maxbuus lagu sii daayey sabab bani’aadannimo si loo daweeyo.