Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay Qalinjebinta Jaamacadda Golis.

Hargeysa-06-09-2023-(Berberanews)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay munaasibada Qalin-jebinta Dufcadii 34aad, marka lagu daro Gobolada Dalka ee ka baxda Jaamacada Golis, faraceeda Hargeysa oo ay maanta ka baxeen Arday tiradoodu dhan tahay 1,183.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka kala qaybgalay gudoomiyaha golaha wakiilada Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), masuuliyiin kala duwan, waalidiin, madax-dhaqameed iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisay, waalidiintii ku soo tacabtay ee halkan soo gaadhsiiyey iyo maamulkii Jaamacadda Golis ee ku dedaalay inay soo saaraan tirada intaa leeg ee xambaarsan cilmiga kala duwan ee u soo baxday dalkooda iyo dadkoodaba.