Putin iyo Erdogan oo ka wada hadlaya dib usoo celinta heshiiskii dhoofka Qamadiga Ukraine

Rusia-(Berberanews)’Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu u filayo suurtagalnimada soo celinta heshiiska qamadiga ee Badda Madow kaasoo gacan ka geystay in qamadiga Ukraine la geeyo suuqyada, kaddib wada hadallo uu maanta la yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin.

Ruushka ayaa heshiiskan ka baxay bishii July – sanad kadib markii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga – isagoo ka cabanaya in dhoofinta cunnadiisa iyo bacrimiyeyaasha ay soo wajaheen caqabado.

Erdogan, oo hore door muhiim ah uga cayaaray ku qancinta Putin inuu ku adkeysto heshiiska, QM ayaana isku dayeysa inay Putin ku qanciso inuu heshiiska ku laabto.

“Turkiga ahaan, waxaan aaminsannahay inaan gaari doonno xal muddo gaaban,” ayuu Erdogan yidh isagoo ku sugnaa hoteelka saaran Badda Madow ee Sochi kaddib kulankii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Putin tan iyo 2022.

Putin ayaa sheegay in Reer-Galbeedku ay weli xannibayeen wax dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ruushka.

“Waxaan diyaar u noqon doonnaa suurtogalnimada soo celinta heshiiska madaxweynaha ayaana maanta u sheegay tan mar kale – waan sameyn doonnaa tan marka dhammaan heshiisyada qaadidda xayiraadaha wax soo saarka Ruushka si buuxda loo dhaqan geliyo,” ayuu yiri Putin isagoo garab taagan Erdogan