Xidhiidhka Cusub ee Somaliland iyo Faransiiska.!!

Guul darooyinkii Siyaasadeed ee dalka Faransiiska ka soo gaadhay wadamada Galbeedka Afrika, iyo khayraadkii uu Faransiisku mudada dheer ka qaadan jiray wadamada Galbeedka Afrika. Waxa ay horseeday in dawlada Faransiisku ay xooga saarto sidii aanu gacanteeda uga baxeen dalka Jabuuti.

Jabuuti waa dalka kaliya ee ku yaala Qaarada Afrika ee ku sii hadhay Gacanta heshiiska siyaasadeed ee Dawlada Faransiiska.

Dadka siyaasada ka faalloodaa,waxa ay sheegeen in Dawlada Jabuuti ay dhawaan bilowday, qorshe iyo xidhiidh siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo dalka Faransiiska.