9 askari oo ku dhintay dagaal dhexmaray Jabhadda Buurta Gacan Libaax

Hargeysa-(Berberanews)-Inta la xawiijiyay 9 Askari oo ka tirsan booliska ayaa la dilay, 17 kalena waxaa soo gaadhay dhaawac  dagaal maanta dhexmaray Jabhadda hubaysan iyo Booliska Somaliland oo ka dhacay deegaanka Go’da yar ee Buurta Gacan Libaax.

Taliyaha Booliska Somaliland sheegay in jabhaddu jidgooyo u gashay 30 Askari oo deegaamaadaasi ku sugnaa kuwaas oo deegaan kale u socday.

Taliyuhu waxa uu sheegay in aanay haysan amar  ay Ciidanku ku dagaallamaan balse caawa laga bilaabo ay haystaan Amar lagula dagaallamayo ragaasi ku jira Buurta.