Haweenay Somali ah oo Norwey laga tarxiilay

Norway-(Berberanews)-Sida ay qortay warbaahinta Norway, haweeneey Soomaaliyeed oo 36 jir ah magaceedana aan la xusin ayaa booliska socdaalka ee waddankaasi waxay u tarxiileen Soomaaliya kadib markii lagu helay dambiyo la xidhiidha argagixisanimo.

Sanadkii 2019 kii ayaa maxkamad la soo taagay haweeneydaa, waxaana lagu xukumay saddex sanoo oo xabsi ah, taas oo ciqaab u ahayd ku biiritaankeedii ururka ISIS. Inkasta oo ay ayadu iska diiday dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Inta uu kiiskeedu ka socday maxkamadda ayaa waxaa la soo bandhigay farriimo ay dad kale kala hadlaysay ‘weeraro’ ay ka gaystan gudaha Norway.

Wada hadalkaan ayay haweeneydu ku tidhi dagal yahan ajanabi ah: “Waa inaad igu xidho qof I caawiya, qof kasta ayaa og in ay wanagsan tahay in la xasuuqo gaalada halkaan joogta intii aan bananka u aadi lahayn kuwa kale”.

Masuuliyiinta Norway ayaa sheegay in ay mar hore ogaayeen in haweeneydaan ay Qatar ku tahay amniga dalkooda, ayna aad isugu dayeen in ay ka masaafuriyaan dalkooda. Balse waxay diiday in ay marnaba si iskeed ah uga tagto waddanka.

Xabsiga ayaa laga sii daayay bishii March ee sanadkii 2021 kii iyada oo xilligaas kadib ay dawladda hoose ee Oslo guri dajisay.

Warbaahinta qaranka ee Norway ayaa horaan u qortay in haweeneydaan ay xiriir la sameeysay jihadi lagu magacaabo Arfan Bhatti.

Wadahadal ay booliska Norway aamineen inuu dhexmaray Bhatti iyo koox kale ayaa la sheegay in lagu wargaliyay ninkaan in walaal’ ka timid Soomaaliya ay qaad doonto weerar argagixiso iyada oo ku filin doonta bamka la isku miineeyo. Hadalo ay kamid ahaayeen: “Waxay ila tahay inay suunka qaraxa qaadi karto” iyo “Hubka fudud ayay ku tababaran kartaa” “Arrintaan ayay goor hore igala hadahsay” ayaa waxaa qoray qofka ay boolisku aaminsan yihiin inuu yahay Bhatti.