Askar ka tirsan Somalia oo ku dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO —(Berberanews)-Ugu yaraan saddex ka tirsan askarta dawladda Soomaaliya ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay waaqooyiga magaalada Muqdisho.

Askarta ayaa la socotay baabuur ciidan oo jidka marayey markii uu qaraxu ka dhacay degmada Yaaqshid cirifkeeda Waqooyi.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacantay laba qof oo rayid ah oo iyaguna jidka marayey, sida ay VOA u sheegeen ilo amni oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aysan oggolaansho u haysan inay dhacdadan ka hadlaan.

Maalintii shalay ayey ahayd markii qarax la dhigay waddada dhinaceeda uu qabsaday baabuur bas ah oo ay la socdeen dad rayid ah gobolka Shabeellada Hoose, qaraxaasi oo ay ku dhinteen lix qof, 12 kalena ku dhaawacmeen.

Dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay waxay ahaayeen rayid, sida uu VOA u sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre.

Dhinaca kalena, ciidamada amniga Soomaaliya ayaa xalay toogasho ku dilay hal qof kadib hawlgal ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Hay’adda nabad-sugidda qaranka ayaa sheegtay in qofka la dilay uu ahaa dareewalkii baabuurka oo isku dayey inuu baxsado.

Ciidanka hay’adda nabad-sugidda qaranka ayaa hawlgalkaas la beegsadeen baabuur ay sheegeen inuu siday waxyaabaha qarxa.

Hay’adda ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya waxyaabaha qarxa oo hay’addu sheegtay inuu siday baabuurkaasi.

@voa