Fanaankii weynaa ee Tuse oo Hargeysa ku geeriyooday

Hargeysa-(Berberanews)-Alla haw naxariistii Fanaankii weynaa ee Xasan Ismaaciil Uurcade ( Tuse) oo ayaa ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelkii, qoyskii, qaraabadii, bahda fanka, shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka afka soomaaliga ku hadla geerida ku timi alle ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Xasan Ismaaciil Uurcade ( Tuse) oo Caawa ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Wasiirka ayaa marxuunka ku sifeeyey in uu ahaa heesaa iyo fanaan caan ah oo fanka ku soo jiray muddo badan.

Alle ha u naxariistee Xasan Ismaaciil Uurcade ( Tuse) waxa kale oo uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska JSL iyo Bahda Wasaaradda Warfaafinta

Wasiirka ayaa marxuumka eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.