Dagaallo xooggan oo ka socda Deegaanka Axmaarada Ethiopia

Ethiopia-(Berberaneed)-Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa ka socda Dagaallada u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka iyo militariga dalkaad.

Magaalooyinka waaweyn ee gobolka Amxaarada, caasimadda Bahirdar iyo Gonder ayaa lagasoo sheegaysa iska horimaadyo ballaadhan.

Wabaahinta xidhiidhka la leh maleeshiyaadka ayaa sheegaya in ay la wareegeen qeybo ka mid ah xarunta gobolka balse waxa ay sheegayaan in ciidamo badan ay ku sugan yihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada iyo xarunta TV-ga dowladda.

Duulimaadyadii saddex magaalo oo gobolka ah, oo ay ku jirto Lalibela, ayaa wali hakad ku jira. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale sheeganaya inay maamulayaan magaalooyin dheeri ah oo ay ku jiraan qaybo badan oo ka mid ah Debrebirhan, oo ah xarun warshadeed oo 130-km waqooyi ka xigta caasimada dalka ee Addis Ababa.