Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo saddex sano lagu xukumay

Pakistan-(Berberanews)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xidhay Sabtida maanta ah kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah inuu galay la xidhiidha musuqmaasuq, isaga oo ku xukumay saddex sano oo xadhig ah, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo saraakiisha Pakistan.

“Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xidhay,” ayuu yidhi Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta.

Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xidheen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad.

Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka badan 150 dacwadood iyo eedeymo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

“Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan.

AFP.