Milateriga Afgembiyay Niger oo taageero weydiistay Wagner xilli ECOWAS diyaarinayso Farogelin

Niger-(Berberanews)-Jeneraalka afgambiga sameeyay ee Niger ayaa kaalmo waydiistay kooxda calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ah ee Wagner iyada oo ay soo dhawaatay waqtiga kama dambaysta ah ee ay ku sii dayn lahaayeen madaxwaynihii xilka laga qaaday ama waxa ay wajahayaan faragelin milatari oo suurtagal ah inay qaaadaan ururka gobolka Galbeedka Afrika, ayaa lagu yidhi warbixin.

Codsigan ayaa yimid xilli uu booqasho ku tagay hoggaamiyihii afgambiga – General Salifou Mody – uu ku tagay dalka deriska la ah ee Mali, halkaas oo uu xidhiidh la sameeyay qof ka socda Wagner, Wassim Nasr, oo ah saxafi iyo cilmi-baadhe sare oo ka tirsan xarunta Soufan, ayaa u sheegay Associated Press.

Saddex il oo Mali ah iyo diblumaasi Faransiis ah ayaa xaqiijiyay kulanka markii ugu horreysay oo uu warinayo France 24, ayuu Nasr ku daray.
“Waxay u baahan yihiin [Wagner] sababtoo ah waxay noqon doonaan dammaanad-qaadkooda si ay awoodda u sii hayaan,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in shirkadda gaarka ah ee militariga ay tixgelinayso codsiga.

Dowladda militariga Niger ayaa wajaheysa Axadda kama dambays ah ee ay u qabteen ururka goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaan ECOWAS si ay u sii daayaan oo ay dib ugu soo celiyaan madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loo doortay Mohamed Bazoum, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay la hayste.

Madaxda difaaca ee xubnaha ECOWAS ayaa soo gabagabeeyay qorshaha faragelinta Jimcihii waxayna ku booriyeen militariga inay diyaariyaan agabka ka dib markii koox dhexdhexaadin ah oo loo diray Niger Khamiista loo diiday inay galaan ama la kulmaan hogaamiyaha dowladda militariga General Abdourahmane Tchiani.