SCC-Khaatumo oo doortay maamul loo xilsaaray hoggaaminta maamul-goboleed

Laascaanood-(Berberanews)-Jaamac Yaasiin Warsame ayaa maanta loo doortay hoggaaminta Maamul la sheegay inay yeelanayaaan 

Jaamac Yaasiin Warsame ayaa doorashadan uga guulaystay Maxamuud Yuusuf Xasan, waxayna kala heleen 25 cod iyo 20. Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen golaha sare ee dhaqanka SSC.

Ku xigeenka hoggaanka SSC-Khaatuma ayaa sidoo kale loo doortay Jaamac Aadan Cismaan. Mana jirin doorashada kula tartantay.

Guddoonka cusub ayaa hoggaamindoona 45-ka xubnood ee golaha dhexe SSC- Khaatuma.

Waxaa loo wakiishay inay ka shaqeeyaan, isku dubaridka xoraynta degaanada SSC, ka shaqaynta arrimaha siyaasada iyo la tacaamulka hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay SSC- Khaatuma ayaa kamid ahaa barayaasha magaalada Laascaanood, wuxuu sidoo kale katirsan yahay shakhsiyaadka aadka ugasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Golahan ayaa loo igmaday inay howlahaan sii qabtaan, tan iyo inta SSC- Khaatuma ka helayso maamul madax bannaan oo lamid ah maamulada ka jira Soomaaliya, arrintaas oo ay sheegeen inay haatan meel wanaagsan marayso.