Xiisaha Maaweelintii Carruurta ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Maalinta 5-aad #HIBF2023

Hargeysa-(Berberanews) – Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa Maalintii shanaad si xidhiidh ah uga socda Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, taas oo kulmisay labeenta Bulshada Soomaalida iyo Caalamka intiisa kale, waxaana maanta labadii gelinba aqoon-kaabis iyo maaweelo ay la dhaceen loogu sameeyey Carruurta oo maanta loo gaar yeelay.

Bilawga maalinta Shanaad, waxa masraxa Xarunta Dhaqanka lagu furay Abwaanka caanka ku ah sheeko Carruurreedda ee Cabdi Muxumed Magan ‘Cabdi-Falaash’, waxaanu halkaa ku soo bandhigay Buug uu ugu talogalay Carruurta oo uu ugu magac-daray “Reer-guuraa”, waxaana masraxa ku wehelinaysay Hana Daahir oo daadihinaysay barnaamijka.

Maaddaama oo Maanta ay ahayd Maalin si gaar ah loogu asteeyay Carruurta, waxa Madasha soo buuxiyey Waalidiin ay la socdaan Carruurtoodu, iyaga oo ka qayb- qaadanaya bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagata Hargeysa.

Carruurta, ayaa loo akhriyayay Buugaagta, isla markaana la barayey sida Buugaagta loo akhriyo, loo qoro qoraallada iyo samaynta farshaxanka iyo Sawir-gacmeedka, Sheekooyinka Dhaqanka.

Sidoo kale, waxa Carruurta goobta joogtay madaddaalo iyo Riwaayado yaryar ku maaweelinayay Cabdi- Falaas iyo Axmed Wacays oo aalaaba ka maaweeliya Carruurta.

Intaa ka dib, waxa masraxa mid mid loogu soo dhaweeyey Carruurta goobta joogtay, kuwaasi oo iyaguna sheeko Carruureed u tabinayey bulshada madasha joogtay.

Ugu dambayn, waxa masraxa la iskugu keenay Carruurta halkaas oo ay ciyaar dhaqmeed ku soo bandhigeen.

Bandhigga sheekooyinka iyo Hees dhaqameedka Carruurta ka dib, waxa Masraxa lagu soo dhaweeyay Samiira Ducaale oo qortay buugga “Suul Dhabaalaynta Luuqadda Soomaaliga”

Waa Buug markii u horaysay lagu qoray Af Soomaali, kaas oo ah luuqadda dhagoolayaasha ama dadka baahida maqalka qabaa ay isku afgartaan, waana tilmaamihii faraha lagu muujin jiray oo qoraal soomaali ah loo beddelay.

Qoraa Samiira oo faahfaahin ka bixisay Buugga iyo sababta ay u qortay, ayaa waxa masraxa ku wehelinaysay Hibo oo ficilka Qoraaga u beddalaysay hadal, sababtoo ah Samiira oo ah qoraaga buuggu waxay ka mid tahay dadka qaba baahida maqalka, waxaana si hufan barnaamijka u daadihinaysay Xafsa Cumar.

Isla gelinkii hore ee Maanta waxa masraxa xarunta dhaqanka lagu soo dhaweeyey Sahra Cabdi oo ka mid ah qalinleyda, gabadhaas oo hore u qortay buugga “Arraweelo” waxaana masraxa la joogtay Muna Liibaan oo ah agaasimaha EQRA center isla-markaana daadihinaysay barnaamijka.

Waxa halkaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo Buugaagta Carruurta iyo kobaca la taaban karo ee ka muuqda daabacaadda buugaagta ee marba marka ka dambaysa sii kordhaya.

Gelinkii dambe ee maanta, ayaa sidoo kale Carruurta loo furay qaybta Farshaxanka, waxaana loo sharraxay sida farshaxanka iyo sawir-gacmeedyada loo sameeyo. Waxa sidoo kale loo akhriyey Buugaag kala duwan oo Carruurta iyo garaad-dhiskooda ka hadlaya oo waalidka iyo Carruurtaba aad u jeclaysteen.

Sidoo kale, Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa qayb ka mid maanta lagu qabtay magaalada Gabiley, halkaas oo qayb ka mid ah loo gaar yeelay Carruurta oo Buugaag loo akhriyey, iyagu akhris wadareen iyo qoraalba sameeyey, sheekooyinka dhaqankana looga sheekeeyey.