Sawirka Guud ee Dhacdooyinka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa – Maalinta 3aad #hbf2023

Hargeysa (Berberqnewe) – Waxa maalintii saddexaad si toos ah u socota Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, taasi oo si joogto ah loogu qabto Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa.

Carwadan, ayaa kulmisa Wufuud ka kala socda Waddamada Afrika, Eurpe iyo America, kuwaasi oo martiqaad rasmi ah ka hela maamulka xarunta dhaqanka ee Hargeysa, iyaga oo soo maraya nidaamka dal ku galka waddanka Somaliland.

Sannadkan 2023 waxa bandhigyada socda Hal-ku-dhig u ah Adkaysi (Resilience) kaas oo ujeeddo ahaan loo soo qaadanayay mawduucyo badan laguna dhiirigelinayay bulshada, runtiina ahaa hal-ku-dheg xilligiisa ku habboon isla-markaana si toolmoon la iskula qaatay.

Ugu yaraan, Wufuud ka kala socota 13 waddan oo caalamka ah, ayaa sannadkan ku kulmay carwada buugaagta Hargeysa, halkaas oo aanay u kala hadhin madaxda Somaliland iyo aqoonyahankeeduba.

Sanadkan, waxa si khaas ah buugga martida ugu qornaa Wufuudda ka socota dalka Morocco, waxaana  dhammaan martida dalkaas ka socota la dajiyay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo hadda shaqaynaysa 16 sanadood, ayaa noqotay daaqad weyn oo ay ka wada-hadlaan Somaliland iyo caalamka intiisa kale, waxayna fududaysay in la isku waydaarsado afkaar iyo aragtiyo fara badan oo dhammaantood ku aroorraya horumarinta bulshada, isla-markaana madaxda iyo aqoonyahanka Somaliland ku gudbiyaan farriintooda ku aaddan in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii dal madax bannaan looga baahnaa, sidoo kalena loo tuso dunida dimuquraadiyadda ka hana-qaadday Somaliland, dhaqaalaha koraya, waxbarashada iyo hannaanka dawladeed ee ka jira Somaliland.

Carwada buugaagta ee Hargeysa, ayaa sannadkan kaga duwanayd sannadihii hore waxyaabo badan, sida tirada dalalka martida ah iyo mawduucyada muhiimka ah ee dhinac walba taabanaya sida; siyaasadda, dhaqaalaha, Tacliinta, taariikhda sida Diinta Islaamku ugu fidday Geeska Afrika, suugaanta, arrimaha aasaasiga ah ee nolosha ku taxaluqa, IWM ah oo aad loo lafa-guray.

Bandhiggan oo sannadkan 16 jirsaday ayaa noqday mid soo jiita indhaha dalalka deriska ah iyo caalamakaba.

Waxa kale oo xusid mudan, sida is daba joogga ah ee ay xarunta dhaqanka ugu soo qulqulayaan dhalinyarta, aqoonyahanka, bahda qalinlayda, qurba joogga, culimada, suugaanyahanka iyo madaxada dalka, kuwaas oo xarunta gudeheeda buux dhaafinaya, si ay u dhegaystaan kolba cidda masraxa ka hadlaysa iyo kol ay iibsadaan buugaagta carwada lagu soo bandhigay ama iyaga oo dhexdooda is bartaan isla-markaana aqoon iswaydaarsadaan.