Kornayl Jimcaale oo Dhoolatus kusoo bandhigay Garowe, Digniina u diray Deni

Puntland-(Berberanews) – Kornayl Jimcaale Jaamac Takar oo isku aqoonsan taliyaha ciidanka madaxa bannaan ee kumaandooska Danab, islamarkaana dagaal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa maanta duleedka magaalada Garowe kusoo bandhigay dhoolo-tus military.

Sarkaalkan ayaa tababar usoo xidhay maleyshiyo beeleed kusoo biiray maalmo kaddib dagaalkii labataankii bishii hore ka dhacay Garowe.

Khudbad uu u jeediyay ciidamada ayuu ku sheegay inuu kasoo horjeedo in la furo dastuurka, isagoo sheegay madaxweyne Deni inuu yahay musharrax, sidaas darteedna uusan xaq u lahayn qaabaynta doorashada iyo furista dastuurka.

Sarkaalkan wuxuu sheegay inay ka dagaalamayaan haddii la isku dayo in la furo dastuurka, wuxuu ku hanjanay inuu qaadayo tallaabo lamid ah tii uu horey u qaaday.

“Puntland dastuurkeeda in la furo waa ka dagaallanay mana aqbalayno.  Wax allaale wixii aan ka dagaallanay oo aan diidnay ee dad inagaga dhintay ma aqbalayno”, ayuu yiri Jimcaale oo hadal kooban u jeediyay ciidamadiisa.

Dhoolo-tuskan militari iyo hadalada hanjabaada ah ayaa kusoo beegmaya, xilli berrito lagu wado in baarlamaanka Puntland uu fadhiisto, una codeeyo qodobada wax laga beddelay dastuurka.

Waxay kaloo arrintan imaanaysaa xilli Isimada Puntland ay ku howlan yihiin xal ka gaadhidda khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.