Somaliland oo ka warbixisay dagaal ilaa saaka ka socda duleedka Laascaanood

WAR-SAAFADEED-(Berberanews)-Ciidammada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxaha huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxa ciidammada maamulka Puntland ee Soomaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey.

Markasta ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duullaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama illaabaan ah.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.