Komishanka Doorashooyinka oo cayimay kala horraynta doorashooyinka

Hargeysa(Berberanews)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray kala horaynta doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyadda Somaliland.

Go’aanka ay soo saareen ayay ku sheegeen in doorashadda Ururradu soo horrayn doonto, lanaa qabanayo  28 December 2023, si loo helo saddex Xisbi Qaran, lana siiyo shahaadada Xisbinimo ee (10) sannadood ah, si waafaqsan qodobka 5aad faqradiisa 3aad xarafka (J) Kommishanka Doorashooyinka Qarankuna (KDQ) ku dhammaystiraan muddada ka horaysa wixii farsamo ah” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, waxay qoraalka go’aankooda oo saddex bog ah ku sheegeen in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la qabto bil ka hor dhammaadka muddada Madaxweynaha oo ku eeg November 13, 2024.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Muuse Xaaji ayaa ku saxeexnaa go’aankaa, balsewaxa soo baxay waxa soo baxaya xoggo dheeraad ah oo sheegaya in Guddida oo ka kooban toddoba xubnood ku kala qaybsameen go’aanka, iyadoo laba xubnood oo metelayay mucaaradka ku gacansaydheen shaacinta go’aanka, wallow aannay labada xubnood weli ka hadlin.

Nuqulada Qoraalka Go’aanka Guddida Doorashooyinka halkan ka eeg.