Askar gacan u qaadday Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay tallaabo ka qaaadeen Askar gacan u qaadday Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Warka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska waxa lagu xusay inay baadhitaan ku hayaan sababta ka danbaysay gacan ka hadalka dhexmarayBooliska iyo Xildhibaanka

“Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa  isku dhac  dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mida Golaha Wakiillada  Somaliland  JSL iyo Xubno ka mida Ciidanka qaranka JSL waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka.

Markii falkaasi Taliska Ciidanka Boolisku ku war-helay  waxuu degdeg Talaabo uga qaaday Askartii isla marnaa uu xidhay.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay .: ayaa lagu yidhi