Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay eedeynta dagaalka Laascaanood

Muqdisho – Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowfiqkeeda ku aaddan colaadda ka aloonsan magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool ee bariga Somaliland, kadib markii mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka degaankaas uu ku eedeeyey dawladda federaalka inay garabsiineyso duqeynta Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay magaalada Nairobi, ayaa eedeynta jeediyey, isaga oo si gaar ah u eedeeyey madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya Mr. Daa’uud Aweys oo ay BBC-du la hadashay kadib eedeyntii Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku celiyey mowfiqka dawladda ee dagaalka Laascaanood.
Waxa uu xusay in dawladda federaalku ku hawlan tahay dedaal xal loogu raadinayo dagaalka siddeeda bilood ka taagan halkaas, balse ma bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wasiir Aweys waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ugu baaqayso Somaliland inay joojiso duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Laascaanood, isaga oo labada dhinac ugu baaqay wadahadal.
Waxa uu intaas ku daray in aanay jirin wax iska beddelay mowqifka dawladda ee ay hore u sheegeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaare Xamse Cabdi Barre.