Hiiraan: Todoba qof oo ku naf waayay Qarax Miino

Hiiraan —(Berberanews)-Ugu yaraan toddobo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda la galiyay, meel u dhow deegaan lagu magacaabo Jicibo oo dhow degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Duqa degmada Buuloburte Sadaam Cabdi Iidow, oo la hadalay VOA, ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa mooto kuwa seddexda lugood leh aanu qofna ka badbaadin qaraxa.

7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jicibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ahaayeen lix rag ah iyo qof dumar ah ay ka soo jeedaan laba qoys oo beeraley ah.

Waqtiga uu qaraxu dhacayay, dadkaan ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii ka dib muddo dheer oo ay ka shaqaynayeen beerahooda.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab deegaan ku dhow Beero-Yabaal.

Degaanka Jicibow oo uu qaraxu ka dhacay ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay  Alshabab, waxaana halkaas ka howlgala ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xoraynta Hiiraan.