DEGDEG: Madaafiic iyo dagaal xooggan oo  ka socda gudaha iyo dhinaca Laascaanood

Laascaano-(Berberanews)-: Madaafiic iyo dagaal xooggan oo  bilaabmay duhurkii maanta ayaa ilaa hadda ka socda gudaha iyo dhinaca galbeed ee magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa war kasoo saaartay dagaalka maanta ka dhacay Laascaanood kaasoo u dhignaa sidan:
“July 8, 2023, Ciidanka Somaliland waxa ay la kulmeen weerar abaabulan oo kaga imanayay isbahaysi ay ku midaysan yihiin Maleeshiyada Laascaanood, Maamul-goboleedka Puntland iyo Koox Argagixiso ah oo ka hawl-gala Laascaanood. Weerarkan ayaa lala beegsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda gaashaandhigga Somaliland waxay ku faraxsan tahay inay ka warbixiso in ciidanka Somaliland si hufan uga jawaabeen, isla markaana ay ku guulaysteen inay difaacdaan deegaannadooda, isla markaana ay qaadeen weerar rogaal celis ah. Kama daalin doono inaan dhulkeena ka difaacno isbahaysigan fowdada iyo xasilooni-darrada ah.” Ayaa lagu yidhi warka Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.