Wasiir Xoorxoor oo kulan muhiim ah la yeeshay madaxda wasaaraddiisa

Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Eng Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor), ayaa shirguddoomiyey shirka maamulka ee wasaaraddiisa maanta.

Kulan-hawleedka oo inta badan lagaga wadahadlay qorshayaasha mudnaanta u leh wasaaradda iyo waxyaabaha u qabsoomay sannadkan.
Sidoo kale, waxa kulanka lagu falanqeeyey qorshe-hawleedka wasaaradda ee labada toddobaad ee soo socda.

Wasiir Cali Xoorxoor ayaa dardaaran iyo hoga tusaalayn u soo jeediyay dhammaan agaasimayasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, waxaannu ku boorriyey inay sii labanlaabaan socodsiinta shaqooyinka ay Qaranka u hayaan.