Wasiir Kaahin oo la kulmay Senator ka socda Faransiiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Olivier Cadic oo ah Gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Difaaca Aqalka Sanete ka ee Dalka Faransiiska.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin,wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Olivier Cadic oo ka tirsan aqalka sare ee Sanete ka dalka France, ahna Gudoomiye Kuxigeenka Commission ka Siyaasadda Arimaha Dibedda iyo Difaaca ee dalka Faransiiska. Dhinaca kalena waa Xildhibaan taageera qaddiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Xildhibaan ka xaalada guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana Arrimaha nabadgelyada,horuumarka, Doorashooyinka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay xasiloonida mandaqada Geesk Afrika.

Xildhibaanka ayaa dhiniciisa uga mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo guud ahaan Somaliland ba sida fiican ee dalka loogu soo dhoweeyey, sidoo kale ku ammaanay Somaliland horuumarka iyo nabada. Kulanka waxaa Wasiirka ku wehelinayey Safiirka Dowladda Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Mudane Cabdiraxmaan Yaasiin iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha