Xeer-ilaalinta Somaliland oo markii ugu horreysay soo bandhigay eedaha Weriye Bushaaro Baanday

Hargeysa – Waxa maanta markii 6-aad Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la horkeenay weriye Bushaaro Cali Maxamed (Busharo Baanday) oo muddo 36 maalmood ah ku xidhan xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo Xeer-ilaalintu si rasmi ah u shaacisay eedaha loo haysto suxufiyadda.
Sidoo kale, Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maxkamadda u soo bandhigay eedo loo haysto suxufiyiin kale oo la sheegay in aanay ku sugnayn gudaha dalka Somaliland.
Muddo 36 casho ah oo ay weriye Bushaaro ku xidhan tahay caasimadda Hargeysa, iyadoo maxkamadda maanta la soo taagay ay kaga duwaneyd kuwii hore in kiiska lagu haysto uu horyaallay maxkamadda.
Qareenkeeda ayaa sheegay in Bushaaro eedaymaha loo hasyto ay yihiin saddex eedood oo ay ka mid yihiin hawlo liddi ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo faafin warar been-abuur ah oo saamayn ku yeelan kara midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.
Eedaymaha lagu soo oogay Bushaaro qaarkood waxa sidoo kale la wadaaga wariyeyaal kale oo Somaliland ka maqan.
Dhageysiga dacwadda ayaa xigi doona soo bandhigista eedaha loo haysto wariye Bushaaro Baanday.