Boqollaal Muhaajiriin ah oo ku dhintay Xeebaha Giriiga

Greece-(Berberanews)-Maraakiibta samatabixinta ayaa baadi goobaya boqolaal qaxooti ah waxaana laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii ay degtay doon kalluumeysiga ah oo buux dhaaftay oo degtay xilli ay isku dayayeen in ay gaadhaan Yurub.
Ugu yaraan 79 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen masiibadan.

Samatabbixiyeyaasha ayaa badbaadiyay 104 rakaab ah doontii ku degtay biyaha xeebaha Giriiga horraantii Arbacadii xilli ay isku dayayeen inay ka socdaalaan Liibiya kuna sii jeedaan Talyaaniga.

Maamulka ayaa ka cabsi qaba in boqolaal kale – oo ay ku jiraan haween iyo caruur – laga yaabo inay ku xayiran yihiin sagxada hoose.

Haddii la xaqiijiyo, taasi waxay ka dhigi doontaa masiibada mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee abid laga diiwaan geliyo badhtamaha Mediterranean-ka.

“Fursadaha lagu heli karo [badbaadayaal badan] aad ayay u yar yihiin,” ayuu yiri Admiral Nikos Spanos oo ka tirsan ilaalada xeebaha Giriigga oo u sheegay telefishinka ay dowladdu maamusho ERT.