Kenya: Sideed askari oo lagu dilay weerar Alshabaab lala xidhiidhinayo

Kenya-(Berberanews)-Siddeed askari oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa lagu dilay gaari ay wateen oo lagu burburiyay walxaha qarxa, kadib weerar looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, sida ay booliisku sheegeen.

Dhacdadan ayaa Talaadadii shalay ka dhacday degmada Gaarisa ee gobolka Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan gobolka ku yaalla soohdinta uu la wadaago Soomaaliya, halkaasoo muddo ka badan 15 sano ay Al-Shabaab ka wadeen kacdoon dhiig badan ku daatay oo ay kaga soo horjeedaan dowladda taagta daran ee Muqdisho.

“Waxaan weerarkan ku waynay siddeed askari oo booliis ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, John Otieno, “Waxaan ka shakisannahay shaqada Al-shabaab oo hadda beegsanaysa ciidamada ammaanka iyo gaadiidka rakaabka ah.”

Weerarkan ayaa yimid maalmo un kadib markii Itoobiya ay sheegtay inay fashilisay weerar ismiidaamin ah oo kooxdaasi ay ka fuliyeen magaalada xadka ku taal ee Doollo.
Al-Shabaab oo lala xidhiidhinayo Al-Qaacida, ayaa muddo 15 sano ah waday jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Kenya ayaa markii ugu horeysay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan kooxdaasi, waxaana ay hadda qeyb weyn ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah kooxda.