Muslimiinta Waqooyiga Hindiya oo lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan

India-(Berberanews)-Muslimiinta ku nool magaalo ku taal waqooyiga Hindiya ayay kooxaha Hinduuga ka dalbadeen in ay ka tagaan noloshooda iyo guryihii ay ku noolaayeen qarniyo badan.

Ilaa toban qoys ayaa ka qaxay Purola, oo ah magaalo yar oo ku taal waqooyiga Hindiya degmada Uttarkashi ee gobolka Uttarakhand, ka dib markii ogeysiisyo lagu dhejiyay guryaha iyo meheradaha laga codsanayo inay magaalada baneeyaan.

Hanjabaadaha, ayaa inta badan ay soo saareen labo kooxood oo Hinduuga midigta fog ah – Vishwa Hindu Parishad (VHP) iyo garabkeeda dhalinyarada, Bajrang Dal – ayaa daba socda isku day la sheegay in labo nin ay ku afduubteen gabadh 14 jir ah oo Hinduu ah 26-kii March.

Labada VHP iyo Bajrang Dal labaduba waxay ku xidhan yihiin Rashtriya Swayamsevak Sangh (RSS), oo ah lataliyaha fikirka midigta fog ee Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ee xisbiga Hindu Nationalist ee Bharatiya Janata Party (BJP) kaas oo ujeedadiisu tahay in la abuuro qowmiyad Hindu cilmaani ah oo ka baxsan dastuurka. 

Wadajir ahaan, kooxahani waxay ka kooban yihiin waxa inta badan loo yaqaan “Sangh Parivar” (parivar macnaheedu waa qoyska Hindi).
Labada Eedeysane ee loo haysto Kiiska Afduubka ayaa isla markiiba waxaa gacanta ku soo dhigay dadka deegaanka, waxaana loo gudbiyay Booliska.

Waxaa lagu soo oogay Xeerka Ilaalinta Carruurta ee Dembiyada Galmada (POCSO) iyo sharciyo kale