Eritrea oo muddo dheer ka dib ku laabatay Midowga Afrika


Eritrea-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Isniintii in Eritrea “ay dib u bilowday dhaqdhaqaaqeeda” oo ay fariisatay shir madaxeedka Igad ee ka socda dalka jaarka ah ee Djibouti.

Xoghayaha fulinta ee kooxda gobolka, Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay “in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo dhoweeyo wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax” markii uu ku soo biiray shirka.

Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii joojisay xubinimadii ururkaas, iyadoo ka cabanaysa faragelinta milateri ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyo burburinta ururkaas oo ay ku eedeeyeen ciidamada dibadda ah.

Igad waxay ka kooban tahay Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda.