Maxkamadda Ciidammada Somaliland oo xukun ku ridday nin Al-shabaab ah

Hargeysa – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay xabsi ciidan oo sagaal sanno ah ku ridday nin lagu magacaabo Faysal Cali Ibraahim oo 42 jir ah, kaas oo Maxkamaddu ku heshay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana u qaabilsanaa inuu dagaalyanno kooxda ka mid noqda ka qoro gudaha Somaliland.
Warkan oo lagu daabacay barta rasmiga ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ku leedahay Facebook, ayaa lagu sheegay in xukunka ninkani ka dhacay fadhi Maxkamdadda Ciidammadu ku yeelatay xarunteeda magaalada Hargeysa maanta oo Axadda ah.