Muqdisho: Qaraxyo iyo weerarro lala beegsaday Hudheel ku yaa Xeebta Liido

Muqdisho-(Berberanews)-warar laga helayo xeebta Liido ee Muqdisho, ayaa sheegaya in  weerar lagu qaaday hotel Pearl Beach oo kamid ah hoteelada dhawaan laga furay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dad  Goobjoog ah ayaa sheegay in qarax lala beegsaday Hotelka ka dibna uu xigay
weerar toos ah oo ay fuliyeen dablay hubaysani.

Inkastoo aan si rasmiya loo xaqiijin  khasaaraha ka dhashay weerarka, balse
Xilliga uu weerarka dhacay waxaa Hutelka ku sugnaa masuulliyiin dowladda ka tirsan.
.

Ciidamada Dowladda ayaa wada howlgal lagu badbaadinayo dadka gudaha ku go’doonsan. Wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah dadkii ku go’doonsanaa makhaayada hotelka lasoo badbaadiyay.