Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay xaaladda Sool

UN-(Berberanews)’Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay adkaynayaan mawqifkooda ku aaddan ixtiraamidda midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasaddeed ee Soomaaliya. 

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay sidoo kale walaac ka muujinayaan dagaalka ka soconaya magaalada Laascaannood, taasi oo dhacda waqooyiga Soomaaliya; dagaalkaasi oo sababay waxyeelo badan iyo barakac dadka shacabka ah soo gaadhay. Goluhu waxa uu tibaaxay sida ay uga xun yihiin waxa dhacay iyagoo u tacsiyaynaya qoysaskii dadka waxyeeladu haleeshay, iyagoo u rajeeyay soo kabasho degdeg ah oo taam ah dhamaan dadkii dhaawacmay.


Xubnaha Golaha Ammaanku wxa ay sidoo kale soo dhoweynayaan dedaallada ay wadaan Dowladda Federaalka, Dowladda Itoobiya, iyo madax-dhaqameedka, kuwaasi oo ku aaddannaa sidii xabadjoojin loo ga midha dhalin lahaa, korna loogu qaadi lahaa helista hannaan wadaxaajood oo Soomaalidu u tahay hormuud.  Goluhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada in ay wada gaadhaan heshiis xabadjoojin ah si degdeg ah, iyo in ay taageeraan hannaanka wadaxaajoodka iyo xallinta khilaafka loo marayo; sidoo kale, waxa ay ugu baaqayaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya in uu taageero, si waafaqsan mas’uuliyadihiisa, oo ay ka mid tahay la xidhiidhidda dhamaan dhinacyada haddii loo baahdo.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay sidoo kale walaac xooggan ka muujiyeen dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay Laascaannood taariikhdu markii ay ahayd 22 Diisambar; markaasi, oo Ciidamada Somaliland qy mudaharaadayaal xoog ay u isticmaaleen kala baacintooda, sida ku xusan warbixinta Xoghayaha Qaramada Midoobay 16kii Febraayo 2023 (S/2023/109). Goluhu waxa uu cambaareeyey iskudhacyada u dhexeeya Ciidamada Amniga ee Somaliland iyo Maleeshiyaad Beeleedyada. Waxa ay sidoo kale cambaareeyeen dhamaan ficilada qaska ah ee lagula kacay shacabka; waxa ay sidoo kale luuqadda ugu adag ku cambaaraynayaan  waxyeelada soo gaadhay shacabka iyo dhismayaasha kaasi oo uu sababay dagaalku.

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay sidoo kale ku baaqeen in ciidamada Somaliland sida ugu degdegga badan loo soo saaro; iyagoo sidoo kale ku baaqay in dhamaan dhinacyadu ay muujiyaan degenaan, kana dheeraadaan ficillada sii hurrin kara collaadda iyo hadallada xanafta leh si loo demiyo xiisadda, dib loogu dhiso kalsoonida, la na abbuurro xaaladdo nabaddu ku tisqaadi karto. 

Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay xasuusiyeen dhamaan dhinacyada mas’uuliyadaha saaran si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, oo ay ku jirto shuruucda caalamiga ah ee la xidhiidha bin’aadantinnimada, inta khusaysa.  Goluu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan dhinacyadu in ay la xisaabtamaan kuwa ka mas’uulka ah gaboodfallada lagu la kacay shuruucda caalamiga ah ee bin’aadantinnimada iyo sidoo kale gaboodfallada lagu la kacay xuquuqda aadamaha. 

Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay walaac ka muujiyern saameynta iyo raadka dagaalka Laascaannood ee dhinaca bin’aadantinnimada, taasi oo ay ku lammaan tahay barakaca iyo dhibaatada ay sababtay abaartii sannadkii 2022 kii. Goluhu waxa ay ugu baaqeen dhinacyada in ay oggolaadaan, fududeeyaanna dhamaan hawlaha gargaarka bin’aadantinnimo, si waafaqsan Shuruucda Caalamiga ah ee Bin’aadantinnimada, iyo Habraacyada Gargaarka Bin’aadantinnimada ee Qaramada Midoobay (Qaraarka Qaramada Midoobay 46/182), oo ay kamid yihiin, Bin’aadantinnimo, Dhexdhexaadnimo, Madaxbannaani, iyo Bixinta Gargaarka Bin’aadantinnimada oo degdeg ah islamarkaana aan lahayn carqalad.

Xubnaha Golaha Ammaanku wax ay ugu baaqayaan dhamaan deeqbixiyeyaasha in ay kor uqaadaan bixinta kaalmada iyo taageerada bin’aadantinnimo ee lagama maarmaanka ah. Goluhu sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyada in ay oggolaadaan kooxaha miino saarka ah si ay taageero uga geystaan saaridda hadhaaga waxyaalaha qarxa.