Somaliland oo Maxkamadda Sare u gudbisay dacwad ka dhan Cabdirisaq Khaliif

Hargeysa -(Berberanews)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbisay Maxkamadda Sare toddobaadkan.
Dacwaddan oo uu Maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbiyey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa lagaga dalbaday in la laalo xilka iyo xubinnimada Golaha Wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif ee golaha, iyada oo lagu eedeeyey inuu ka horyimi jiritaanka qarannimada Somaliland iyo in aannu soo xaadirin 20 fadhi oo goluhu yeeshay.

Maxkamadda Sare, ayaa u qabatay Guddoomiye Khaliif in uu muddo toddobaad ah kaga soo jawaabo dacwadda lagu soo oogay oo la xidhiidha khiyaamo qaran.
“Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul ka mid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo ay kaga dalbanayso  inuu kaga soo jawaabo 7 casho gudahood,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare.
Cabdirisaaq Khaliif ayaan golaha ka soo xaadirin muddo bilo ah, kadib markii uu Madaxweyne Biixi u diray Laascaanood si uu qayb uga noqdo daganaansho ku soo celinta magaalada, balse uu si lama filaan ah u taageeray go’aankii garaadada ee ka dhan ka ahaa joogitaanka Somaliland ee degaannada Gobolka Sool.